Wararkii ugu dambeeyay ee xaaladda Bakaaraha kadib go’aankii DF.

Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in maanta xaalad la xiriirta go’aanka kasoo baxay dowladda ee canshuurta Iibka laga dareemayo suuqyada waa wayn ee dalka sida Bakaaraha.

Ganacsatada ayaa weli ka cabanaya go’aanka kasoo baxay dowladda oo uu maanta bilowday dhaqan-galkiisa, kaas oo ah canshuurta Iibka oo dhan 5%.

Inkastoo suuqa uu furan yahay, haddana jawiga guud ee saaka ayaa ka duwan sidii hore, waxaana laga dareemayaa saameynta ka dhalatay go’aanka dowladda dhexe.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa innoo sheegay in qaar kamid ah goobaha ganacsiga ee suuqa ay xiran yihiin, sababo la xiriira cabashada ay canshuurta cusub ka qabaan ganacsatada.

Mid kamid ah ganacsatada oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay dareemayaan culays ay soo saartay dowladda, kaas oo ka dhashay canshuurta cusub ee la saaray.

“Waxaan dareemeynaa inuu culayska nagu sii badanayo, waana arrin aan qaadi karin canshuurta cusub ee lasoo rogay” ayuu yiri mid kamid ganacsatada Muqdisho.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Ninka Marchanti lacag ka jaro EVC-gana wuu ka jari karaa sida xaqiiqda ah marka aan ka hadalno”.

Dhinaca kale Madaxweynaha oo xalay la hadlay dadweynaha ayaa shaaciyey labo arrin oo caadi ka dhigeysa in loo hoggaansamo go’aanka dowladdu ay ku qaadeyso canshuurta iibka ee ay soo rogtay wasaaradda maaliyadda dalka , kuwaas oo kala ah:

1 – in canshuurtaan ay horay u bixi jireen ganacsatada Soomaaliyeed “Waxaa maalin kasta la idinka qaadin jiray iyadoo la idin handadayo, waxayna geli jirtay gacno aan aamin aheyn, hadda waxaan ka shaqeynay inaan ku qaadno gacan aamin ah oo System marsiino,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

2 – Nidaamka Marjentiga la yiraahdo ayaa canshuurtaan lagu qaadayaa, “Qof leesin heysta oo ganacsade ah kaliya ayaa isticmaala nidaamkaas, dadweynaha caadiga ah kama go’eyso lacagtaas, EVC lacag aad ku dirtay kama go’eyso,” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *