lacago loo yaboohay Dad ku hanti beelay dab ka kacay suuqa weyn ee Jowhar.

Madaxweynaha Maamulka  Hirshabeelle oo ay wehliyaan Xildhibaano  labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa  booqday  Suuqa weyn Magaalada Jowhar  iyagoo soo Arkay  khsaaraha ka dhashay dabkii  xoogganaa ee ka kacaay suuqaas  .

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Folaha shacabka iyo Aqalka sare ee tagay suuqa Gubtay ee Magaalada Jowhar  ayaa ku yaboohay lacago ay uga qeyb qaadanayaan dib u soo kabashada musiibadii la dhacday suuqaas .

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali Cabdulaahi Xuseen Guudlaawe ayaa uga mahad celiyay Xildhibaanada labada Aqalka Baarlamanka Saoomaaliya ee socdaalka ku jooga Magaalada Jowhar lacagaha ay ugu yabooheen Dadkii ku hanti  beelay dabkii ka kacay suuqa weyn ee magaalada Jowhar.

Dabkii ka  kacay Suuqa Weyn ee Magaalada Jowhar ayaa waxaa ku khasaartay Hanti badan iyadoo bur Bur uu gaarsiyay qaybo ka mid ah suuqaas.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *