Muxuu Feysal Cali Waraabe ka yiri Wada hadalada Soomaaliya & Itoobiya.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID ee Somaliland Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in Itoobiya ay markasta ixtiraam u hayso madaxbannaanida Soomaaliya lakiin anay Somaliland kamid ahayn.

Qoraal uu ku baahiyay bartiisa X ayuu ku sheegay in Itoobiya ay naf-hur badan u samaysay Soomaaliya, oo ay ixtiraam badan siisay lakiin anay Somaliland waligeed kamid ahayn.

“Itoobiya waligeedba way ixtiraamtaa madaxbannaanida dhuleed ee Soomaaliya, ciidamadeeda ayay ku daadguraysay 2006 si ay waddankan guuldaraystay uga caawiyso in nabad lagu soo celiyo, halkaasi oo askar badan oo Itoobiyaan ahi ay ku nafwaayeen, lakiin Somaliland waligeed qayb kama noqon Soomaaliya” ayuu yiti Faysal Cali Waraabe.

Sidoo kale Waxa uu sheegay in midowgii uu burburay 1991 kadib 10 sanno oo uu socday dagaal uu dhiig badani ku daatay intaa kadibna ay Somaliland  ay ka go’day Soomaaliya  , sida darteedna loo bahanyahay in caalamku uu ixtiraamo isfahanka Somaliland iyo Itoobiya oo dhamaystir ku dhaw .

Hadalka Feysal ayaa ku soo aadaya xilli Heshiiskii  dhexmaray Somaliland iyo Itoobiya uu xiisad ka dhex dhaliyay labada dal , sidoo kalana Dawlada Turkiga ay u istaagtay dhexdhexaadinta labada dhinac   oo la filayo in ay kulankoodii labaad ay ku yeeshaan berri Magaalada  Ankara.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *