Maleeshiyaad hubeysan ayaa Gaari ku rasaaseeyay wadada u dhaxeysa degmooyinka Cabudwaaq iyo Balanbale ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud, waxaana ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dadkii saarnaa Gaariga.
Gaariga oo ka baxay degmada Cabudwaaq ayaa lagu rasaaseeyay degaanka Ceelasha biyaha, waxaana inta la xaqiijiyay ku geeriyooday Wiil Dhalinyaro ahaa oo lagu Magacaabi jiray Liibaan Gaarane ooo kamid ahaa ilaalada Gaarka ah ee Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid, halka ay ku dhaawacmeen Saddex Ruux oo kale.
Ciidamo katirsan laamaha Amniga Galmudug ayaa tegay Goobta uu weerarka ka dhacay, iyaga oo halkaasi ka sameeyay howlgallo ay ku baadi goobayeen maleeshiyaadkii weerarkaasi geystay, wallow aysan gacanta ku dhigin.
Wararka Dulsar TV ay heleyso ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in weerarkaasi uu la xiriira dhacdooyin aanooyin qabiil ah oo dhowrkii sano ee la soo dhaafay ka taagan degaano iyo degmooyin katirsan Gobolka Galgaduud ee Maamulka Galmudug.
Si akstaba dhowrkii sano ee la soo dhaafay degaannada Mamaulka Galmudug ee Gobolada Mudug iyo Galgaduud waxaa ka dhacayay colaad Beeleedyo soo laab laabtay iyo dilal aanooyin qabiil ah, iyada oo Madaxda Galmudug ay ku fashilmeen inay wax ka qabtaan.