Maxaa looga hadlayaa Kulanka Maanta ee Golaha Shacabka.

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa la filayaa in Maanta oo Sabti ah inay mid kamid ah kulamadooda caadiga ah ku yeeshaan Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho.

Guddoonka Golaha Shacabka ayaa ku wargeliyay Xildhibaannada in Maanta oo Sabti ah in uu jiro kulanka, isla markaana Ajandaha Kulanka Maanta uu yahay:

  1. Akhrinta 2aad: Hindise Sharciyeedka Xakameynta Kiimikooyinka Beeraha Soomaaliyeed.
  2. Qeybin: Heshiiska Qaramada Midoobay ee la-dagaalanka Dembiyada Abaabulan ee iskaga Gudba Qaramada iyo Baratakoolladdiisa.

Dhinaca kale qaar kamid ah Xildhibaannada  Golaha Shacabka ayaa waxaa la filayaa inay Maanta ka hadlayaan dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee ka dhacay dalka sida Arrimaha, wada-hadalladaTurkiga uga furmaya Soomaaliya iyo Itoobiya iyo Xeerka doorashooyinka ay ansixiyeen Golaha Wasiirada Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *