Wasiirka arrimaha dibadda Ruushka Sergey Lavrov oo is barbardhig ku sameeyay colaadda Gaza iyo tan Ukraine.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka, Sergey Lavrov ayaa si gaar ah is barbardhig ugu sameeyay khasaaraha dadka rayidka ah ka soo gaaraya iyo muddada ay socdaan dagaalada Marinka Gaza iyo kan Ukraine.

Wasiirka oo maalmahaanba booqasho ku joogay dalkaasi Mareykanka ayaa sheegay in hawlgalka ballaaran ay Israel ka waddo Marinka Gaza iyo taageerada ay kaga haysato Mareykanka uu keenay tirakoobyo argagax leh, marka loo eego sida uu yiri khasaaraha iyo burburka uu gaystay dagaalka 10 bil jirsaday.

“Aan u dhigno sidaas. 10 bilood gudahood waxaa la dilay ku dhawaad 40 kun oo qof, waxaana la dhaawacay 90 kun oo shacab Falastiiniyiin ah, kuwaas oo u badan carruur iyo haween.” Ayuu yiri Wasiirka oo Warbaahinta kula hadlayay Magaalada New York.

Wasiirka ayaa sheegay in khasaarahan uu laba laab ka badan yahay tirada dadka rayidka ah ee ku dhintay colaadda dalka Ukraine, tan iyo bishii February ee sanadkii 2014, markaas oo Moscow ay ku dhawaaqday in Gobolka Crimea ee Ukraine ay ka goosatay dalkaasi intiisa kale.

“Tani waxay laba laab ka badan tahay tirada dadka rayidka ah ee labada dhinac ku dhintay 10-kii sano ee ay colaaddu ka socotay koonfur bari Ukraine. 10 bilood ayuu khasaaraha rayidka ee Gaza laba laab ka badan yahay iska horimaadyada ka bilowday Ukraine, ka dib kacdoonkii bishii February ee sanadkii 2014.” Ayuu yiri Wasiirka.

Sergey Lavrov, Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka ayaa muujiyay, ka dib weerarkii ciidamadooda ay 24-kii bishii February ee sanadkii 2022 ku qaadeen Ukraine ay tan iyo xilligaa Moscow bartilmaameedsaneysay kaabeyaasha militari ee Kyiv, balse taasi bedelkeeda duulaanka Tel Aviv ee Marinka Gaza uu yahay mid aan kala sooc lahayn.

Wasiir Lavrov ayaa Israel ku dhalleeceeyay in la dagaalanka Xoogaga Xamaas ay u bedeshay mid ay ku ciqaabeyso dadka rayidka.

Lavrov ayaa Mareykanka ku eedeeyay in siyaasaddiisa Bariga Dhexe ay gobolka ka abuurtay rabshado aan horey loo arag.

“Rabshadaha aan horey loo arag ee hadda ka socda Bariga Dhexe ayaa inta badan ka dhashay siyaasadda Mareykanka ee gobolka.” Ayuu yiri Lavrov.

Dunida ayaa dagaalkan ku tilmaamtay mid ka dhan ah dadka rayidka ah, isla-markaana ay Israel ka gudubtay khadka cas ee bani’aadantinimada, marka aad eegto in ciidamadeeda ay hadafyo militari ka dhiganayaan dhulka ay rayidku ku badan yihiin iyo weliba goobaha ka caagan dagaalada, sida isbitaalada, iskuulada, masaajida, kaniisadaha iyo kaabeyaasha kale ee rayidka, taas oo ay dheer tahay in Militariga Israel ay hortaagan yihiin gargaarka bani’aadantinimo ee ay sida weyn ugu baahan yihiin shacabka aan hubeysneyn ee ciriiriga lagaga dhigay Marinka Gaza, kana dhalatay go’doominta daran ee lagu hayo.

Dhammaan gabood-faladan ayaa ka marqaati kacaya in dagaalka Israel ee Gaza uu baalmarsan yahay shuruucda caalamiga ah ee bani’aadantinimada iyo kan dagaalka.

Iyadoo dunida oo dhan ay Israel eedeyneyso, haddana Tel Aviv ayaa diidan in ciidamadeeda ay dembiyo dagaal ka gaysanayaan Gaza, waana xilli Madaxda Israel ay cambaareyn xoog leh kala kulmayaan ku adkeysigooda ah in dagaalka uu sii socon doono.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *