Imtixaanka oo ay ardaydu sannadkii 3aad ku qaadanayaan jaamacadaha dalka ayaa waxaa Deegaanka Soomaalida u fadhiisanaysa arday dhan 15,100 arday oo cilmiga sayniska dabiiciga kuwaasoo ku galaya imtixaanka 4 jaamacadood .
Wasiirka Xafiiska Waxbarashada DDS mudane Cabdulaahi Cabdi Aadan iyo madaxwaynaha Jaamacadda Jigjiga ayaa u kuurgalay habsami u soocdka Imtixaanka iyagoona booqday fasallada ay ardaydu imtixaanka ku galayaan.