Midowga Yurub oo ka horyimid tallaabada Israel ay UNRWA kaga dhigeyso hay’ad argagixiso.

Madaxa Siyaasadda Arrimaha Dibadda ee Midowga Yurub, Josep Borrell ayaa diiday isku day kasta oo Hay’adda Qaramada Midoobey U Qaabilsan Gargaarka & Arrimaha Qaxootiga Falastiiniyiinta (UNRWA) loogu aqoonsanayo urur argagixiso.

Israel ayaa u ololeynayso in Hay’adda UNRWA loo aqoonsado urur argagixiso, iyadoo ay hay’addan tahay tan keliya Qaramada Midoobey ee haysata amar gaar ah oo lagu daryeelayo baahiyaha aasaasiga ah ee barakacayaasha iyo qaxootiga Falastiiniyiinta.

Madaxa Siyaasadda Arrimaha Dibadda ee Midowga Yurub ayaa Isniintii sheegay in Midowga Yurub uu diidan yahay in hay’addaasi lagu tilmaamo mid argagixiso.

“Waxaan diidnay isku day kasta oo lagu asteeyay UNRWA inay tahay urur argagixiso. Sidee hay’ad Qaramada Midoobey loogu aqoonsan karaa urur argagixiso?” Ayuu yiri diblomaasiga ugu sarreya ee Midowga Yurub.

Isagoo ka hadlayay shir jaraa’id oo si wadajira ay Magaalada Brussels ugu qabteen Wasiirka Arrimaha Dibadda Jordan, Ayman Safadi ayaa waxa uu sheegay in Midowga Yurub, oo ay wehliyaan deeqbixiyeyaasha kale ee caalamiga ah ay sii wadi doonaan taageerada iyo maalgelinta ee UNRWA.

“Waxaan ku heshiinay inay muhiim tahay in la ilaaliyo doorka aan la bedeli karin ee UNRWA ee gobolka oo dhan, oo ay ku jirto Jordan.” Ayuu yiri Josep Borrell.

Aqalka Knesset-ka ee Baarlamaanka Israel ayaa 29-kii bishii May ansixiyay sharci hay’addan loogu aqoonsanayo urur argagixiso.

Sharcigan ayaa sidoo kale faraya in sharciga la dagaalanka argagixisada Israel lagu dabaqo UNRWA, iyadoo markaasi la joojinayo xiriirka iyo wada shaqeynta Israel iyo hay’adda.

Israel ayaa riixeysa in hay’addaasi laga mamnuuco Daanta Galbeed iyo Marinka Gaza, sababo ku aaddan shaqada lagama maarmaanka ah ee ay u hayso shacabka Falastiiniyiinta.

Hay’addan oo 8-dii bishii December ee sanadkii 1949-kii lagu sameeyay qaraar uu meelmariyay Golaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa lagu taageeraa gargaarka iyo horumarinta xuquuqda aadanaha ee qaxootiga Falastiiniyiinta, waajibaadkeeduna wuxuu yahay inay gargaar siiso shacabkii Falastiiniyiinta ee ku barakacay Daanta Galbeed & Marinka Gaza, intii lagu jiray weeraradii isir sifeynta Israel ee la magac-baxay Nakba ee 1948-kii iyo iska horimaadyadii xigay. Waxa kaloo waajibaadka hay’adda ka mid ah inay gargaar siiso shacabkii kale ee Falastiiniyiinta ee qaxootiga ku noqday dalalka Jordan, Suuriya iyo Lubnaan.

Hay’addan ayaa waxaa u diiwaangashan in ka badan 5.6 milyan oo Falastiiniyiin ah, kuwaa oo ay hay’addu ula tacaasho qaab qaxooti ahaan.

Bishii January, Israel ayaa sheegtay in 12 ka mid ah Shaqaalaha Hay’adda UNRWA ay ka qayb qaateen weerarkii Xamaas ay 7-dii bishii October ka gaysatay dhulka ay maamusho, iyada oo aan wax caddeyn ah soo bandhigin, balse taasi waxay keentay in inta badan dalalka reer galbeedka ay ka jaraan lacagihii tooska ahaa ee ay hay’addaasi siin jireen.

Qaramada Midoobey oo guddi u xilsaartay in eedeymahaasi ay u soo baaraan ayaa hay’adda ku ammaanay inay dejisay habab iyo siyaasado lagu hubinayo dhexdhexaadnimada, degdeg ah iyo jawaabo waafi ah oo ku saabsan eedeymaha.

Guddigan oo ay hoggaamineysay Catherine Colonna, Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Faransiiska ayaa warbixin ay soo saareen ku sheegay in Israel ay jeedisay eedeymo aan caddeyn lahayn. Guddiga ayaana UNRWA ka fogeeyay inay tahay hay’ad argagixiso.

UNRWA waa hay’adda ugu weyn dhanka samafalka ee haatan shaqada ugu muhiimsan ka waddo Marinka Gaza.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *