MADAXWEYNAHA DEEGAANKA SOOMALIDA, MUDANE. MUSTAFE MUXUMMED CUMAR AYAA KA QEYBGALAY XAFLADA QALINJABINTA DUFCADII 4AAD EE JAAMACADA QABRIDAHAR.

Xafladani oo aay ku qalinjabinayeen inkabadan 800 oo arday oo baratay culuunta kala duwan ee dhigriiga, masterka iyo waxbarashada kobcinta tayada macalimiinta ee waxbarashada jaamacadaha (HDP) ayaa waxaa joobjoog u ahaa madaxweynaha Deegaanka Soomaalida mudane Mustafe Muxummed Cumar oo uu wehliyo Wasiirka Xafiiska Maaliyadda DDS ahna xubin katirsan gudiga sare ee jaamacada Qabridahar, mudane Cabdiraxman Axmed Xasan Madaxda ugu sareysa Jaamacada Qabridahar iyo marti sharaf kale.

Madaxweynaha DDS, mudane Mustafe Muxummed Cumar oo munaasibadda ka hadlay ayaa ugu hambalyeeyay ardayda maalinta farxadooda, isagoo umahadnaqay maamulka jaamacadda oo daddaal badan oo muuqda jaamacadda ka sameeyey jaamacada iyo macalimiintii taageerada iyo tusaalaha la garab joogay ardayda maanta qalin-jabisay.

Madaxweynaha Jaamacadda Qabridahar, mudane Injineer C/fataax Axmed Raabi ayaa yidhi; Ardayda maanta ka qalin-badalatay Jaamacadda Qabridahar waxa ay kala yihiin 726 bartay culuunta kala duwan ee Degree-ga 73 arday oo bartay culuumta Master-ta iyo 49 arday oo bartay HDP (Higher Diploma Program) taasi oo tirada guud ee ka qalin-jabisay jaamacadda ka dhigaysa 848 Arday.

 

 

 

 

 

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *