Madaxweynaha DFS iyo Madaxweynaha dalka Masar oo yeeshay wadahadal xasaasi.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo khadka Taleefanka ay ku wada xiriireen dhiggiisa dalka Masar Cabdulfataax Al-siisi ayaa ka wada hadlay xaaladda gobolka.

Sidoo kale labada Madaxweyne ayaa ka wadahadlay danaha ay wadijrka u wadaagaan Soomaaliya iyo Masar.

Labada Madaxweyne ayaa wada-hadalkooda diiradda ku saaray xoojinta iskaashiga taariikhiga ah ee labada shacab ee walaalaha ah.

Xasan Sheekh iyo Cabdulfataax Al-siisi wadahadalkooda ku muhiimadda ay leedahay in la mideeyo dadaallada lagu wajahayo caqabadaha amniga iyo xasilloonida gobolka.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar Cabdulfataax Al-siisi ayaa ugu hambalyeeyey Madaxweynaha, shacabka iyo dowladda Soomaaliya munaasabadda 1-da Luulyo ee Maalinta Qarannimada Soomaaliya.

Madaxweyne Cabdulfataax Al-siisi ayaa u rajeeyey shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed horumar iyo amni.

Masar iyo Soomaaliya ayaa ah saaxiib dhow, waxayna labada dowladood ka mideysan yihiin dagaalka Itoobiya, mar kastana madaxweynayaasha labada dal waxay ka wadahadlaan sidii ay u samey lahaayeen iskaashi ka dhan ah Itoobiya.

Wadahadalka Madaxweynaha Soomaaliya iyo kan Masar ayaa ku soo aadaya xili maanta Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu ka hadlay xiisada kala dhaxeysa Soomaaliya, isagoo Soomaaliya ka dalbaday inay wadahadal ogolaadaan, isla markaana ay qudaartooda uga bedeshaan badda.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *