Erdogan oo Putin kala hadlay colaadda Ukraine iyo Falastiin.

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa dhiggiisa Ruushka, Vladimir Putin u soo bandhigay in Ankara ay gacan ka gaysato soo afjaridda dagaalka Ukraine.

Madaxweynaha Turkiga oo Arbacadii Madaxweyne Putin kula kulmay Magaalada Astana ee dalkaasi Kazakhstan ayaa u sheegay in dalkiisu uu gacan ka gaysan karo xalka dagaalkan kala dhaxeeya Ukraine.

Erdogan ayaa sheegay inuu rumeysan yahay in nabad caddaalad ah oo ku habboon labada dhinac ay suurtagal tahay inay tahay xalka colaaddan.

Erdogan ayaa warkan la wadaagay Putin, iyagoo ka wada qaybgelaya Shir Madaxeedka Ururka Iskaashiga Shangahai (SCO) ee Kazakhstan.

Wakaaladda Wararka Turkiga ee Anadolu ayaa sheegtay in labada hoggaamiye ay sidoo kale ka wada hadleen weerarada ay Israel ku hayso dhulka Falastiiniyiinta, dadaalada lagu doonayo in xal loogu helo xasaradaha Suuriya iyo la dagaalanka argagixisada.

“Erdogan ayaa sheegay in Turkiga uu sii wadi doono dadaalka uu ugu jiro, sidii nabad looga dhalin lahaa gobolka iyo caalamkaba.” Ayay ku warantay Anadolu.

Dhanka kale Afhayeenka Aqalka Kremlin-ka ee Ruushka, Dmitry Peskov ayaa sheegay in Erdogan uusan door dhexdhexaadin ah ka ciyaari karin dagaalka 28-ka bilood jirsaday.

Afhayeenka oo la hadlayay telefishin maxali ah ayaa meesha ka saaray in Erdogan uu wax kaalin ah ku yeelan karo soo afjaridda dagaalka.

Dmitry Peskov oo ka jawaabayay su’aal la weydiiyay oo ahayd in Erdogan uu qaadan karo doorkaasi ayaa ku gaabsaday “Maya, suurtagal ma ahan.”

Peskov ayaan bixin sharaxaad ku aaddan sababta Kremlin-ka ay ugu arkaan inuusan Erdogan doorkaasi qaadan karin.

Madaxweyne Putin oo ka hadlayay shirka shalay ka furmay Astana ayaase sheegay in xiriirka labada dal uu si tartiib tartiib ah u soo korayo.

“Inkasta oo hadda ay jiraan caqabado caalami ah, xiriirka ka dhaxeeya Ruushka iyo Turkiga ayaa si tartiib tartiib ah u koraya.” Ayuu yiri Putin oo intaasi ku daray “Inkastoo aan aragnay hoos u dhac ku yimid isbedelka ganacsiga dhowrkii bilood ee la soo dhaafay, haddana wuxuu weli ku jiraa heer aad u sarreya, oo ah $55 bilyan.”

Turkiga waxaa lagu tilmaamaa dalka qura ee xubin ka ah NATO ee xiriirka dhow la leh Moscow.

 

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *