Xalka Soomaaliya iyo afar qodob oo  unoqon karaan xaqiijinta dowladnimo.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo war qoraal ah soo saaray ayaa soo bandhigay 4 qodob oo haddii la helo uu sheegay inay xal u noqon karaan xaqiijinta dowladnimo sal adag oo ka hirgasha gudaha Soomaaliya.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa shaaciyay in dalkeenna uu ka lumay dhinacyo muhiim ah sida runta, daacadnimada, aaminaada, hufnaanta, cadaaladda iyo isla xisaabtanka.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in qaybihii kale ee bulshada ee isku taagi lahaa toosinta siyaasada iyo difaaca danta guud ay gabeen mas’uuliyadda ka saarnayd dalka.

“Haddiise la helo ganacsato ku dhac leh oo danta guud taageera, culimo akhlaaqda dowladnimada, iyo danta guud ka hadla, warbaahin xirfad iyo hufnaan ku shaqaysa, iyo siyaasiyiin xilkasnimo iyo damiir leh, haba yaraadaan dalku wuu hagaagayaa” ayuu yiri.

Hoose ka akhriso qoraalka oo dhammeystiran:-

Siyaasadda dalkeenna waxaa ka lumay qiyamkii iyo akhlaaqdii runta, daacadnimada, aaminaadda, hufnaanta, cadaaladda, sinnaanta, xilkasnimada iyo isla xisaabtan. Qaybihii kale ee bulshada ee isku taagi lahaa toosinta siyaasada iyo difaaca danta guudna waxay u kala baxeen:-

1- Ganacsato dantooda raacda oo aan dan guud iyo  dowlad wax ku darsan, iyo kuwo dawlada la nool oo qandaraas ka qaata ama ka sugaya.

2-  NGO layaal iyo kooxo adeeg la talinta  (Consultants) ku shaqaysta oo aan waxba ka sheegi karin dowladda.

3- Culimo ku mashquulsan waano iyo wacdiga la xariira akhlaaqda shakhsiga ah ee aan ku hawllanayn akhlaaqda dowladnimo, iyo kuwo dowladda fatwada iyo u qiildeyidda ku horboodaya.

4- Warbaahin laga xoogsado oo subixii wax dhaliilaysa , galabkiina amaan tebinaysa, tabar iyo tayo la’aan ah, haatana ay ka awood bateen qaaqle dacaayad iyo aflagaado u joog ah.

Haddiise la helo ganacsato ku dhac leh oo danta guud taageera, culimo akhlaaqda dowladnimada, iyo danta guud ka hadla, warbaahin xirfad iyo hufnaan ku shaqaysa, iyo siyaasiyiin xilkasnimo iyo damiir leh, haba yaraadaan dalku wuu hagaagayaa.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *