sheeq cali wajiis oo ku edeyay xildhibaan Abdirahmaan Abdishakuur in uu saxiib layahay dawlada cadaw ku ah dawladnimad soomaaliya .

Sheekh Cali Wajiis oo ka mid ah culumada ugu caansan Soomaaliya ayaa sheegay in xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur uu saaxiib la yahay dhinacyo dhibsanaya mashruuca dowlad dhiska Soomaaliya.

“Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame waxaan ugu cudurdaareynaa inuu saaxiibo la yahay, sida muuqata, dhinacyo badan oo mashruuca dowlad dhiska Soomaaliya iyo heshiiska taariikhiga ee Soomaaliya iyo Turkiga dhibsanaya,” ayuu yiri Cali Wajiis.

Sheekh Cali Wajiis ma shaacin dhinacyadaas ama dowladaha uu Cabdiraxmaan Cabdishakuur xiriirka la leeyahay.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ah siyaasi caan ku ah mucaarado joogto, ayada oo aan weli la arag isaga oo taageersan ama ku qanacsan nidaam dowladeed oo dalka soo maray haddii aanu xubin ka aheyn.

Inkasta oo liiska dowladaha ay dhibeyso dowlad dhiska Soomaaliya uu dheer yahay, haddana kuwa dhibsanaya heshiikii Soomaaliya iyo Turkey ayaa ah kuwa kooban, taasi oo fikrad naga siin karta dowladaha uu ka hadlayo Cali Wajiis.

Midda ugu horreyso uguna cad waa Itoobiya, maadaama heshiiska Soomaaliya iyo Turkey loo saxiixay in Addis-Ababa looga difaaco badda Soomaaliya kadib heshiiskii xaaraantaa ahaa ee ay la gashay Somaliland.

Hadalka ka soo yeeray sheeq cali wajis oo kamid ah culuma udiinka soomaaliyeed ayaa imanaya kadib hadalo uu xildhaban abdiraxmaan abdishakuur ku sheegay xili uu xafiiskiisa u qabtay shirjaraa’ad kuna daleceyaya dawlada iyo maamulka dawladaba in aysan jirin wax la yirahdo isla xisaabtan tasaina ay sabab utahay in qof walba uu sameeyo wuxuu doono

Dhanka kale abdiraxmaan abdishakuur ayaa ka hadlay arinta malamahan taagan o ah goobihii qabuuraha iskool police oo ay dawlada amar ku bixisay in laga saaro isla markaana ay doonayso in ay ka dhisto xero ciidanka bada ay istcmalayaan .

Hase yeeshee hal mid ah oo hubanti ah; waa in Cabdiraxmaan Cabdishakuur uu muddo xiriir wanaagsan la lahaa Imaaraadka Carabta, welina la leeyahay. Waxaa la rumeysan yahay in xilligii dowladda Farmaajo ay siin jireen dhaqaale uu ku riixo ololihisia mucaaradada ee ka dhanka ahaa madaxweynihii hore.

Siyaasigan ayaa sidoo kale ka mid ahaa musharaxiin ay Imaaraadka Carabta doonayeen inay taageeraan doorashadii uu ku guuleystay Xasan Sheekh 2022, balse markii ay go’aamiyeen in uusan bulshada iyo xildhibaanada ka gadmi karin ay dib uga gurteen.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ay siiyeen dhaqaale qancin ah oo kooban, balse aanu ku filneyn inuu doorashada ku guuleysato.

Sidoo kale waxaa xusid mudan, in mucaarada Cabdiraxmaan Cabdishakuur ee ka dhanka ah dowladda Xasan Sheekh oo aad u xoogeysatay bilihii dhowaa ay la kowsatay markii uu mugdi galay xiriirka Xasan Sheekh iyo Imaaraadka Carabta, taasi oo abuureysa tuhun aad u weyn.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *