Madaxweynaha DDS Mustaf Muxumed Omar (Cagjar) oo lagu eedeeyay inuu beegsanayo dadka laba gobol oo ka horyimid damaca Itoobiya.

Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa lagu eedeeyay inuu gabood-falo u geystay dad rayid ah oo aan dembi lahayn, kana soo jeeda Harawo iyo Awdal.

Xildhibaan Ayuub Ismaaciil Yuusuf oo ka tirsan Golaha Shacabka ayaa eedeyntan u jeediyay madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida, isagoo cambaareeyay dilka ay ciidamada deegaanka Soomaalida ee ka amar qaata Mustafe Cagjar ay shalay magaalada Lafaciise ugu geysteen dad rayid ah oo deegaanka ah.

Xildhibaanka ayaa sheegay in dilka dadka rayidka ah ay wada fuliyeen ciidamada Liyuu Booliska iyo kuwa militeriga Itoobiya, islamarkaana lagu beegsaday dadka laba gobol oo si adag uga horyimid damaca guracan ee Itoobiya.

“Waa gabood-fal kutalo-gal ah oo lagu bartilmaameedsanayo dadka ka soo jeeda Harawo iyo Awdal, waxaana ay u muuqataa in bulshadaas lagu ciqaabayo sida ay uga soo horjeensadeen damaca dhul-boobka Itoobiya ee ku wajahan xeebaha waqooyiga Soomaaliya,” ayuu yiri Xildhibaan Ayuub.

Sidoo kale wuxuu wax laga xumaado ku tilmaamay in madaxweyne Cagjar uu hormuud u noqdo xad-gudubka Itoobiya ka dhanka ah ee dadka Soomaaliyeed iyo dhulkooda.

“Waa wax laga xumaado in Mustafe Cagjar oo horay uga caban jiray in nidaamkii hore ee dawlad deegaanka Soomaalida iyo ciidamada Itoobiya ay gaboodfallo u geysteen xubno ka mid ah qoyskiisa, uu isaguna maanta tii oo kale ku samaynayo dad rayid ah oo aan dembi lahayn.”

Waxaan cambaaraynayaa dilka ay ciidamada deegaanka Soomaalida ee ka amar qaata Mustafe Cagjar ay shalay magaalada Lafaciise ugu geysteen dad rayid ah oo deegaanka ah. Dilka dadka rayidka ah waxaa wada fuliyey ciidamada Liyuu Booliska iyo kuwa militeriga Itoobiya.

Waa gaboodfal kutalogal ah oo lagu bartilmaameedsanayo dadka ka soo jeeda Harawo iyo Awdal, waxaana ay u muuqataa in bulshadaas lagu ciqaabayo sida ay uga soo horjeensadeen damaca dhul-boobka Itoobiya ee ku wajahan xeebaha waqooyiga Soomaaliya.

Waa wax laga xumaado in Mustafe Cagjar oo horay uga caban jiray in nidaamkii hore ee dawlad deegaanka Soomaalida iyo ciidamada Itoobiya ay gaboodfallo u geysteen xubno ka mid ah qoyskiisa, uu isaguna maanta tii oo kale ku samaynayo dad rayid ah oo aan dembi lahayn.

Sidoo kale, Mustafe waa ku ceeb in uu hormuud u noqdo xadgudubka Itoobiya ee ka dhanka ah dadka Soomaaliyeed iyo dhulkooda. Haddii uu dareemayo waxa ugu yar oo masuuliyad ah ama damiir uu ku hadhay, waa in uu joojiyo gaboodfalka, isla markaana wax ka qabto dilalkii hore ee gardarrada ahaa.

Dadka reer Awdal waxaa la gudboon in ay dilkan u arkaan mid hordhac u ah waxa lala damacsan yahay oo ay xilli hore baraarugaan. Waa in ay ka diyaargaroobaan dhagarta loo maleegayo ee ku soo wajahan.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *