Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa ku baaqay gobol nabadeed oo lagu deminayo colaadda dib uga soo dhex cusboonaatay labada beelood ee Sabtidii ku dagaalamay Gobolka Galgaduud.
Madaxweynaha ayaa shalay galab waqooyiga gobolkaasi kula kulmay Odayaasha Dhaqanka iyo waxgaradka labada dhinac, isagoona ku booriyay in ay isla qaataan nabad waarta, lagana fogaado isku dhacyada u dhaxeeya ee ku soo noqnoqday gobolkaasi.
Madaxweynaha iyo dhinacyada ayaa isku afgartay in la isugu yimaado gogol nabadeed oo maamulka uu dhigay Magaalada Dhuusamareeb.
“Waxaan rabnaa in loo diyaargaroobo go’aankii aan wada qaadanay, gogoshiina lala yimaado ayadoo ka go’an dadka in nabaddaas salka loo dhigo.” Ayuu yiri Madaxweynaha oo intaasi ku daray “Cadow badan bay nabaddu leedahay, waxa dhacayna waan isla ognahay oo wax baa la wada fahmayaa oo wax iska dhacay keliya ma ahanee, wax laga shaqeynayay oo fursad laga dhex raadinayo oo dano siyaasadeed laga leeyahay oo aan ka soo baxeynin meeshee, dadkii ay ra’yigooda sidaas tusay ay tahay aragtidooda sida ay u gaaban tahay iyo sida ay u qariban tahay, ayagaas ayaa waxaan rabnaa inaan Ilaahay ka nabadgalno oo iska qabano, lagana feejignaado meel la joogaba.”
Madaxweynaha ayaa yiri “Waxaan rabnaa dhinac walbana inuu xagiisa ku filnaano oo adkeeyo, oo aanay biyo deys yeelan, dhammaadkuna uu noo noqdo, haddii Ilaahay yiraahdo gogoshii oo si buuxdo looga soo qaybgalo. Kala sheegashada, tabashooyinkii iyo dhibaatadii dhacday dooddeedu waxay noo tahay gogoshaas Ilaahay idinkii.”
Dhinacyada ayuu kula dardaarmay “Saacaddaas wixii ka dambeeyana nabadda, sidii looga mira-dhalin lahaa wax aan ahayn inaanan la soo qaadin. Dhibkii dhacay iyo wixii ka dhashay gogosheedii iyo goobteedii ayaan u deynaynaa. Yaynaan biyo deys yeelanin, yaysan meel kale ka murgacanin, yaysana nagu soo laabanin.”
Isaga oo sii hadlayay ayuu yiri “Maalintii dadka sharta badan talinayeen maanta maaha, laga bilaabo saacaddaas nooma ahan. Kuwa dadka ugu maslaxada jecel, ugu khayrka badan, uguna nabadda jecel kuwaasaa talada iyo arrinkana hormuud ka noqonaya, haddii Ilaahay yiraahdo.”
Axmed Cabdi Kaariye, Madaxweynaha Galmudug ayaa beelaha uga digay “Si kastoo wixii dhacay aad u xusuusato, wax xun oo dhibaato ah oo ku soo dhaafay hal shay bay leeyihiin cibro inay noqoto, waxa xuna waa laga qoomameeyaa ee laga qoomameeyo. Wixii kale oo aad ka xusuusato ama aad qalbiga ku qabato way ka sii darayaan. Meeshaas duurka ah aan waxba oolin oo waxba lagu kala qaadeyn dadkii nooga dhintay nasiib darro ka weyn ma ay jirto, dembi la geli lahaana hadde dil qof Muslim ah oo la dilo, dembiyada dembi la galo bacdal shirki waa dembiga ugu weyn.”
Dhanka kale Madaxweynaha Galmudug ayaa ku waramaya in hay’adaha ammaanka ay hayaan caddeymaha kuwii dhibaatada ka shaqeeyay ee colaadda huriyay, dhaqaalahana ku bixiyay, isla-markaana ay laamaha amnigu soo bandhigi doonaan.
“Waxyaabaha dhacay hay’adaha baarista kuli waa hayaan, meelo badan oo waxyaabaha dhacay ka mid ah caddeyntooda ayaa la hayaa dadkii waxaas ka shaqeeyay, colaadda huriyay, xoolana ku bixiyay caddeyntooda waa la hayaa, waana la soo bandhigi doonnaa waqtiga ku habboon, haddii Ilaahay yiraahdo. Hay’adaha amniga ayaa soo bandhigi doona, loogana hari maayo.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.
Madaxweynaha ayaa hadalkiisa ku xoojiyay “Waxaa la mid ah dadka farriimaha xun ee waalida iyo dhaqan xumada kulansaday waxa Warbaahinta marinaya, ayagana waa la diiwaangeliyay, hay’adaha amniga kuli waa u qoran yihiin, loogana hari maayo, haddii Ilaahay yiraahdo.”
Madaxweyne Qoorqoor ayaa Somaliya ku qeexay dalka qura ee caalamka ee wax laga dhageysto sida uu yiri dadka waalwaaalan, isagoo tusaaleynayay sida bulshadu ugu nugushahay in lagu jiheyn karo wax aan dantooda ahayn.
“Nin shiikh ah ayaa wuxuu yiri Somaliya ayaa ka jirta meel dadka waalwaalan laga dhageysto. Adduunka dadka waalan wax waalan ayaa loo yaqaanaa oo lama dhageysto. Somaliya waxa waalwaalan ayaa la dhageystaa, waxa aan damiirka lahayn ayaa la dhageystaa, waxa aan aan xishooneyn ayaa la dhageystaa.” Ayuu yiri Qoorqoor.
Dagaalka beeleedka Sabtidii ka dhacay deegaanka Laandheer ayaa inta la ogyahay waxaa ku dhintay ugu yaraan 55 qof, 155 kalena ay ku dhaawacantay.
Dagaalkan oo uu dhaxeeyay laba maleeshiyo beeleed oo ka soo kala jeeda Degmooyinka Caabudwaaq iyo Xeraale ayaa salka ku haya dhul deegaameyntiisa la kala xigsanayo.
Madaxtooyada Galmudug ayaa ku guuleysatay in ciidamo kala dhex dhigto, iyadoona ay socdaan dadaalada lagu doonayo in lagu dhameeyo dagaalkan.
Dagaalkan ugu dambeeyay ayaa daba socdo mid kale oo bishii hore dhinacyada dhex maray, markaas oo malaha laga gaabiyay in si toos ah loogu istaago deminta colaadda, sharcigana lala tiigsado kuwii bilowgiiba ka shaqeeyay in beeluhu dagaalamaan.
Gobolada Dhexe ayaa waxaa aad ugu soo badanaya isku dhacyada u dhaxeeya dadka reer miyiga ee la xiriira lahaanshiyaha dhuleed, daaqa, waraabka iyo dilalka aanooyinka xagga beelaha.