Villa Somalia oo u jawaabtay kooxda N&N iyo CC Shakuur.

Agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Cali Dige oo haatan qayb ka ah wafdiga madaxweyne Xasan Sheekh ee ku sugan magaalada Oslo ee caasimada dalka Norway ayaa usoo jawaabay kooxda Nabad iyo Nolol iyo siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo siyaabo kala duwan uga hadlay xaalada ka taagan qabuuraha Iskuul Buluusiya, kadib markii kasoo baxay dowladda.

Ugu horeyn agaasime Dige ayaa sharraxaad ka bixiyay baahida keentay in dhulka Iskuul Buluusiya laga saaro maydadka, wuxuuna tilmaamay in laga dhigayo xero ciidan oo loo diyaarinayo ciidanka badda Soomaaliyeed.

“Dhulka qabuuraha laga rarayo waa halkii ahaan jirtay Xaruntii Ciidanka Badda Soomaaliyeed, waxayna dowladdu hadda ka hirgalineysaa dhismaha xarun lagu tababaro, dibna loogu hawlgaliyo Ciidankii Badda Soomaaliya, oo hada Qaranku baahi weyn u qabo in ay kaalin tooda ka qaataan difaaca madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee dalkeenna

Intaas kadib wuxuu u jawaabay kooxda Nabad iyo Nolol iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur, wuxuuna sheegay in labadaas dhinac aanay u doodi karin shacabka, isaga oo sheegay inay horay u gaysteen dambiyo waa wayn oo ay ka galeen dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

“Siyaasiga kabahooda ku aasay meydka askar Soomaaliyeed oo uu xaqdaro ku laayay islamarkaana qabriyadooda ilaa maanta aysan ehelkoodu aqoon meesha ay ku yaalaan, mayahay qofkii dhihi lahaa “Waxaan aad uga damqanayaa, jirkeyguna la jiriricoonaya. Ma waxaa Xurmada Qabuuraha ka hadli kara siyaasiga askari Soomaaliyeed oo nool gacanta u galiyey cadawga maanta baddeena doonaya?” ayuu qoraalkiisa ku yiri agaasimaha Dige.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Siyaasiga baddii uu muranka geliyay la soo celiyay miyaa garan kara muhiimadda ay Qaranka u leedahay dhismaha xarunta ciidamada badda Soomaaliyeed?;.

Cabdirashiid Maxamed Xaashi oo ah agaasimihii hore ee warfaafinta madaxtooyada, haatana afhayeen u ah Farmaajo ayaa isaga oo ka hadlay xiisadda qabuuraha Iskuul Buluusiya sheegay in dowladda hadda jirta lagu wareejiyay iyada oo la dhowray dhammaan dhulalka danta guud ee ku yaalla magaalada Muqdisho, hadana ay ku kacday dhul boob.

Ummadda Soomaaliyeed way ka dheregsan yihiin labada madaxweyne, midka ay caadada u tahay musuqmaasuq, wayna xusuustaan in Maxadweyne Farmaajo wareejiyey dhulkii danta guud iyada oo la dhawray iyo Madaxweynaha hadda xilka haya oo isaga oo aan sannad joogin xafiiska dhaxal wareejiyey inta badan dhulkii danta guud” ayuu yiri.

Dhankiisa Cabdiraxmaan Cabdishakuur wuxuu horay uga yiri arrintan “Aaminaadda waa cunsurka ugu wayn ee shacabka iyo dowladda u dhexeeya, haddii la waayana aysanba dowladnimadu shaqayn karin. Wiilka uu dhalay AUN Cabdi Muruudi Dheere (AJAKIS) markii uu maydka aabihii la baxay, waxaa lagu qasbay in uu beeniyo in dowladdu ay ku amartay arrinkaas oo ay dhulka doonaysay, laakiin taa bedelkeeda uu iskiis ula baxay.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Maadaama ay ogyihiin in la aaminaynin, ayey madaxdii dawlada iska soo hormariyeen culimo si loo aamino. Waa arrin laga xumaado in culimadu ay noqoto marin wax lagu xalaalaysto”.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *