Madaxwayne kuxigeenka DDS Mudane Ibraahim Cusmaan Faarax ayaa daahfuray imtixaanka fasalka 8aad.

Madaxwayne kuxigeenka DDS Mudane Ibraahim Cusmaan Faarax oo uu wehelinayo Wasiirka Xafiiiska Waxbarashada DDS Mudane Cabdulaahi Cabdi Aadan ayaa saaka daahfuray imitixaanka fasalka 8aad oo ay deegaanka u fadhiisanayaan 35kun oo arday taasi oo 6,771 arday ay maamulka magaalada Jigjiga ku marayaan.

Madaxwayne kuxigeenka DDS Mudane Ibraahim Cusmaan Faarax ayaa ardayda kula dardaarmay in ay si deggan imtixaanka uga shaqeeyaan iyada oo la iska ilaalinaayo qishka, Madaxwayne kuxigeenka ayaana ardayda guul u rajeeyay.

Imtixaanka fasalka 8aad ayaa lagu marayaa xarumaha degmooyinka iyo maamul-magaalooyinka si loo ilaaliyo nidaamka geeddi-socodka imitixaanka qishkana looga hortago.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *