Sidee buu ku soo idlaan doonnaa howlgalka midowga afrika ee atmis kaas oo ku eg dhammaadka sanadkan 2024. maxaase xiggi doonna.
Howlgalka ciidanka nabad ilaalinta ee Atmis oo soo bilawday sanadkii 2007dii kuna soo bilawday magaca Amisom ayaa soo gabageboobi doono dhamaadka sanadkan 2024.
Kadib ku dhawaad 15sano oo soomaaliya ay howlgal u jeedaan ciidamada Nabad ilaalinta Atmis.
Waxaana sanadkaan Soomaaliya ka baxaya mar kale 4,000 oo ka tirsan ciidamada ATMIS.
Bisha soo socota ee Juun ayaa la qorsheeyey inay baxaan 4,000 oo askari, balse waxaa la bedelay qorshahaas oo 2,000 ayaa baxaysa Juun, halka 2,000 oo kale ay baxayso bisha Sebtember ee isla sanadkaan.
Sanadkii hore 2023 waxaa soomaaliya ka baxay 5,000 oo askari oo ka tirsanaa ATMIS kuwaas oo howlgalkoodii laga maarmay, kuna baxay ogolaanshaha dowladda Soomaaliya.
9,000 ama ugu badnaan 10,000 oo askari oo ATMIS ah ayaa Soomaaliya ku hareysa markii la gaaro bisha December ee dhamaadka sanadkaan 2024-ka.
Qorshaha Midowga Afrika ayaa ah in ciidanka ku haraya Soomaaliya ee ATMIS ay bilow u noqdaan howlgal xiggi doono Atmis kaas oo la qorsheeyey inuu Soomaaliya ka bilowdo sanadka soo socda ee 2025-ka.
Ilaa hadda ma cadda in howlgalkaas inuu sii ahaan doono mid hoos taga Midowga Afrika, isla markaana ogolaansho ka heli doona golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ooh adda taageera dhaqaale ku bixiya howlgalka ATMIS.
Dowladda Soomaaliya iyo howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS, waxay ka gaabsadeen inay saxaafadda faahfaahin ka siiyaan nooca uu noqonayo howlgalka la qorsheynayo in lagu bedelo kan ATMIS iyo sida qorshahaasi uu ku suurta-geli karo..
Dadka ku xeel dheer arimaha ciidanka ayaase aaminsan in askarta soomaalida ay ku filan yihiin dalkooda haddii dhaqaale ku filan la siiyo.