Waxaa magaalada muqdisho kulan xasaasi ah ku yeeshay Taliyaha Qeybta Guud Ee Boliiska Gobolka Banaadir G/sare Mahdi Cumar Muumin iyo Dhamaan Taliyayaasha Saldhigyada Boliiska Gobolka Banaadir iyo Taliyayaasha fadhiyada Gaarka ah ee Boliiska Gobolka Banaadir.
Kulankan waxaa sidoo kale goob Joog ka ahaa Afhayeenka Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed G/le Cabdifataax Aadan Xasan , Taliye Xigeenka 2.aad ee Qeybta Guud ee Boliiska G.banaadir G/le Shuceyb Cabdi Maxamed.
Shirkaan oo ahaa mid looga arinsanayay Xoojinta amniga caasimadda iyo La dagaalanka Kooxaha falal Amniga lidka ku ah ka sameeyo magaalada caasimada ah .
G/sare Mahdi Cumar Muumin Taliyaha Q/Guud ee Boliiska Gobolka Banaadir ayaa Bogaadiyey Howl-Galadii Guuleystey oo ay sameeyeen Dhamaan Saldhigyada Qeybta Guud ee Boliiska Gobolka Banaadir Howl Galadaas oo ay ugu Horeeyaan Ladagaalanka Kooxaha Faafiya ama Abuuro Colaada ,kala geynta Bulshada iyo Anshax Xumada Dhaqanka Suuban ee Soomaaliyeed .
Taliyaha Ayaa Kula dardaarmay Dhamaan Saraakisha inay la Dagaalamaan wax kasta oo Bulshada dhaqankeeda iyo Wadajirkeeda dhibaata ku ah Talaabana ka qaadaan cid kasta oo lug ku yeelata Arimahaas.
Toddobaadyadii ugu dambeeyay booliiska gobolka banaadir ayaa xoogga saaray la dagaalanka kooxaha sameeya falalka lidiga ku ah amniga iyo badqabka bulshada gobolka banaadir. Sidaas si lamid ahna waxay booliisku beegsanayeen dadka baraha bulshadda ku faafiya waxyaabaha anshax xumida ah.