Guddoomiyaha Guddiga Joogtada ah ee Xidhiidhka Dowlad Deegaanada soomaalida ee itoobiya, eng Mahamed Shaalle oo ka qeybgalay shirka madasha wada tashiga ee deegaanada dariska ah oo ay soo qaban qaabiyeen wasaarada nabada iyo Golaha Fadereshinka ayaa si rasmi ah u furay madasha wadatashiga iyo iskaashiga ee deegaannada deriska ah.
Guddoomiyaha oo ka hadlay shirka ayaa sheegay in khilaafaadka ka dhex jira dowlad Deegaanada lagu xalliyo si nabad ah oo waara iyadoo la xoojinayo xidhiidhka Deegaanada iyo isku xidhka kaabayaasha dhaqaalaha.
ujeedada ugu wayn ee madashan loo qabtay ayaa aheyd sidii loo xoojin lahaa nidaamka federaalka iyo walaaltinimada iyo midnimada qaranka ee shucuubta iyada oo loo samaynayo xidhiidhka dawladeed ee lagu taageerayo nidaamka hawlgelinta xidhiidhka Deegaanada
Sidoo kale waxaa la sheegay in Xoojinta xidhiidhka bulshada iyo deegaanada dariska ah ayna kaliya ku ekayn in colaadaha lagu xalliyo si nabad ah oo waara, balse la ogolaado in la iska kaashado dhinacyada dhaqaalaha, bulshada iyo siyaasadda.
Madasha wadatashiga ayaa waxaa ka soo qeyb galay madaxda ugu sareysa dowladda federaalka, mas’uuliyiinta ugu sareysa Wasaaradda Nabadda dalka, iyo Golaha Fadereshinka, iyo Masuuliyiin sare oo kala duwan.