Khilaaf cusub ayaa ka dhex bilowday Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Dawladda Federaalka iyo xiriirrada ciyaaraha ee Soomaaliya ka dib markii wasaaraddu soo saartay wargalin ay ku sheegayso in xiriirrada kala duwan ee ciyaaruhu la socod siiyaan wasaaradda diyaar garowga xulalka, sagaashan maalmood kahor ka qaybgalka tartamada kala duwan ee caalamka. Sidoo kale wasaaradda ayaa sheegtay in xiriirrada kala duwan ee ciyaaraha looga baahan yahay in ay hannaan daah furan u maraan qaadashada macalimiinta, ciyaartoyda iyo maamulka xullalka qaranka, iyadoo wasaaraddu ku yeelanayso kaalin kor joogteyn. Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee Soomaaliya Maxamed Barre Maxamuud oo wareysi siiyay Warbaahinta maxaliga ayaa sheegay in go’aannada ay kor dhigeen xiriirrada ciyaaraha ay uga gol leeyihiin sidii loo ilaalin lahaa Tayada ciyaartoyda iyo macalimiinta ee matalaya xulalka kala duwan ee ciyaaraha. ‘’Waxaa masuuliyad naga saaran tahay cidda calanka iyo magaca Soomaaliya matalaysa inaan ka warhayno oo aan ogaano, ma tahay ciddii ku haboonayd, cid u qalanta ma tahay, waxyaalahaas oo dhan ayaan ka eegeynaa,’’ ayuu yiri Wasiir Maxamed Barre. Talooyinka iyo amarrada noocan ah dhawr jeer oo hore ayay wasaaraddu u jeedisay xiriirrada ciyaaraha, laakiin waxba kama hirgalin sabab la xiriirta, iyagoo u arka in shaqadoodu ka madax bannaan tahay dawladda. ‘’Dhawr mar ayaan kala hadalnay waxaan ku niri war qaramada marka ay baxayaan, qaranka qof maleh, xiriir maleh, shakhsi maleh, wasaarad maleh, qaran waaye ummadda soomaaliyeed ayuu ka dhaxeeyaa, hanala soo wargeliyo xilli hore, marka waxaa caado u noqotay, marka qaranku leeyahay ciyaar soddon maalmood kahor, in xiriir walba isagoo ordaya in uu wasaaradda yimaado oo uu yiraahdo baasaboor ha naloo sameeyo, hawshaas ayaa nagu soo laalaabatay, waa ka dignay, waa ka dignay, dhagaha ayay ka fureysteen.’’ Wasiirka waxa kale oo uu tusaale u soo qaatay guuldarooyinkii ugu dambeeyay ee xulka kubada cagta Soomaaliya ka soo gaaray is reebreebka koobka aduunka, waxaana uu aad u dhaliilay macallinka ajnabiga ah ee tababarayay xulka iyo qaabkii lagu soo xuleyba. ‘’Macalinka Marookaanka ee hadda laylinayay xulkeena, waligii xul ma soo maamulin, xitaa koox weyn oo wadankiisa ah ma soo hoggaamin, qiyaas marka xulkeenu maaha iskool wiido ama meel lagu barbarto, annagu waxaan doonaynaa macalimiin Soomaaliyeed baan helaynaa oo aqoon leh, mar way dhammaatay waqtigii xulka qaranka dad gaar ah ay siday doonaan ugu takri fali jireen,’’ ayuu yiri wasiir Maxamed Barre. Xiriirradu ma u madax bannaan yihiin xulista iyo u dirista ciyaartoyda tartamada caalamiga ah. Sida caadiga ah xiriirrada ayaa u xil saaran xulista iyo u dirista ciyaartoyda u baxaysa tartamada caalamiga ah, haseyeshee waxa dood ka taagan tahay maadaama xiriirradu jireen kahor dawladda, hadda muxuu yahay kaalinka dawladda ee hawshaas. Wasiirka Ciyaaraha ayaa sheegaya in qalad badan laga fahmay madaxbannaanida xiriirrada, wuxuuse hoosta ka xariiqay maadaama qaranka magaciisa ay wataan ay tahay in lagu korjoogteeyo shaqadooda lagulana xisaabtamo. ‘’Horta waxaan rabaa in aan fahamsiiyo bulshada Soomaaliyeed madaxbannaanida ayaa qalad laga fahmay, waxay u madaxbannaan yihiin shaqadooda maalinlaha ah laakin markay timaado labo shayba, mid wa tan shuruucda ay ku dhaqmayaan kahor inta aanay ansixin in wasaaradda la soo socodsiiyaan, tan labaadna waa qaramada waxay leeyihiin isku duba ridkooda iyo farsamada laakin marka ay qaran noqoto waa in nalaga talo galiyaa.’’ Khubarada ciyaaraha ayaa rumeysan in xiriirradu u madaxbanaan yihiin xulista ciyaartoyda iyo macalimiinta ee tartamada caalamiga ah iyo kuwa goboleedba, laakin halka sartu ka quruntay ay tahay, iyadoo kaalintii dhaqaale ku gabista dawladda ee ciyaaraha aanu jirin, sidaas daraadeedna aan go’aan ku yeelan karin hawsha marka laga reebo fududeyn. Xuseen Hadaafow oo ka faalooda arimaha ciyaaraha, muddo dheerna ku soo jiray ayaa warbaahinta maxaliga u sheegay in halka la isku mari la’yahay ay tahay in xiriirradu aaminsan yihiin in hawshooda u madaxbannaan yihiin oo sidaas ay qabaan shuruucda hay’addaha caalamiga ah ee ay ka tirsan yihiin iyo wasaaradda oo u aragta in hawl ay wax ku lahayd lagala dul boodayo. “’Dawladdii hore sidii ay u burburtayba waxa meesha ka baxay kabkii dhaqaale ee dawladdu ku taageeri jirtay ciyaaraha, qoondo ay ku taageeri jirtay kooxaha gudaha iyo xulalka dibadda u baxaya, marka kaalintii dawaladdu waa maqan tahay,’’ ayuu yiri Hadaafow. Inta ay meesha ka maqan tahay miisaaniyad dawladdu ku kabi karto ciyaaraha, iyana waxaa ku adkaan doonta in ay go’aan ku yeelato xulalka iyo ciyaartoyda u baxaysa ciyaaraha caalamiga ah sida uu rumeysan yahay Xuseen Hadaafow oo arimaha ciyaaraha ee Soomaaliya ka faalooda.