wararka ka,imaanaya gobolka mudug ee dowlad goboleed galmudug ayaa waxaa ay soo wariyaan in halkaasi uu kadhacay dil aad ufool xun kaasi loo gaystay wiil dhalin yaro ahaa oo xoolo dhaqanaye
Maleeshiyaad Hubaysan ayaa Saaka Hiirtii Waabari ku dilay wiil yar oo dhalinyaro ah Duleedka Deegaanka Dalsan ee Duleedka Degmada Caabudwaaq.
Maleeshiyaadka wiilka yar dilay ayaa kasoo jeeda Degmada Cadaado waxaana la sheegay in ay ka kaxaysteen meel u dhaw dalsan kadibna ay dileen.
Dhowrkii bil ee u dambaysay waxaan Gobolada dhexe ku soo badanayey Dagaalada iyo dilalka u dhaxeeya dadka reer miyiga ah waxaana jira baaqyo nabadeed iyo dadaalo lagu doonayo in lagu soo afjaro colaada u dhaxeeysa dadka reer miyiga ah.
Dilalkan ayaa inta badan salka ku hayo aanooyin qabiil kuwaas oo marba marka ka dambaysa kasoo daraya.
dhawaan ayay ahayd markii deegaanno katirsan dowlad goboleedka galmudug gaar ahaan magaalada gaalkacyo sidaan oo kale aano qabiil loogu dilay nin lasheegay inuu dhimirka la,aaa kaasi hadal hayn xoogan ka,abuuray baraha bulshada.
iyadoona falkaasi guracan ay si wayn uga falceliyeen umada somaliyeed .
maaha markii 1aad markii 2aad io markii 3aad ba oo dad aan waxba galabsan lagu dilo deegaannada maamulka galmudug .
mana jiro wax war oo kasoo baxay laamaha amaanka dowlad goboleedka galmudug oo ay kajawaabayaan arrinkaan lagu dilay wiilka dhalin yarada ah .