Guluf dagaal ka kadhan ah ururka alshabaab oo bilaabmay iyo ciidamada dowlada oo lawareegay degmooyin hor leh.

warka

wararka ka,imaanaya gobolka galgaduud ayaa waxa ay soo warinayaan in halkaasi uu kasocdo qabanqaabadii ugu dambaysay guluf dagaal oo ay dowlada somaliya kudoonayso in ay kula wareegto deegaanno iyo degmooyin katirsan gobolkaasi oo ay kol hore soo faarujiyeen millatariga soomaliya.

Ciidamo gaaraya kumanaan askari oo ka tirsan Milateriga Soomaaliya ayaa xalay ilaa saaka ku qul-qulayay Magaalada Mesagawey ee Gobalka Galgaduud, waxaana ciidamadaan qeyb ka ah urur cusub oo dhawaan Beladoogle tababar sare ku soo qaaday.

Taliyaha ururka 86aad ee Guutada 77 XDS, Taliye Cabdinuur Qadaaye iyo taliyaha ururka 85aad ee Madaxtooyada Soomaaliya Taliye C/wahaab ayaana saaka ku jarmaaday Magaalada Mesagawey waxayna kormeereen xurumihii danta guud ee Bulshada loogu adeegi jiray dhawaana dib loo Howlgalin doono.

Ciidamadaan kumanaanka gaaraya ayaa loogu talagalay inay xureeyaan deegaanada muhiimka ah ee Galmudug, waxaana sidoo kale ciidamo cusub la gayn doonaa Galcad, Ceel-bacad, Ruunirgood iyo Budbud.

Ciidamadaan cusub waxaa dusha sare kala shaqeenaya diyaaradaha dagaalka, waxaana habeen ka hor ay diyaaradahu weerareen Baraak Sheikh caamir iyo Cali Hayle, Taliska XDS ayaana keenay qorshe cusub oo dagaal.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *