64 sano kadib waxay maanta ku beegan tahay markii ay xornimada qaateen Gobollada Koonfureed iyo midowga labadii gobol ee Waqooyi iyo Koonfur ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, waana maalmo ku wayn Ummadda Soomaaliyeed.
Dabaal-degyo iyo fantasiyo lagu xusayo maalintan qaran ee 1-da Luulyo ayaa maanta ka socda dalka, taas oo ay ka qayb qaadanayaan madaxda iyo shacabka Soomaaliyeed.
Haddaba 64 sano kadib, halkee joogtaa Soomaaliya?
Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed oo xalay khudbad ka jeediyay munaasabad lagu xusayay Kowda Luulyo oo lagu qabtay magaalada Baydhabo ayaa sheegay in 64 sano kadib aysan weli xor ahayn Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay.
Laftagareen ayaa sheegay in weli Soomaaliya uu haysto cadow lamid ah gumeystihii xornimada laga qaatay 1960-kii.
“Annaga waa xornimo ah oo aan qabno maleh maanta Soomaali 64 sano kadib waxaa na haysto cadow kii lamid ah gobonimada laga qaatay oo u baahan inaan gobinimo ka qaadano” ayuu yiri madaxweyne Laftagareen oo xalay khudbad ka jeediyay Baydhaba.
Sidoo kale wuxuu tilmaamay in loo baahan yahay in Soomaali ay la timaado midnimo iyo wadajir, si ay usoo ceshato sharafkeeda iyo xornimadeeda, loogana maarmo shisheeyaha.
“Sidaas darteed waxaa nala gudboon maanta oo ay tahay feestadii Kowda Luulyo inaan hiigsi sameyno haddii aan nahay dadka Soomaaliyeed, hiigsigaas oo ah inaan ka shaqeyno midnimada iyo wadajirka Soomaaliya” ayuu mar kale yri madaxweyne Laftagareen.
Waxaa kale oo uu intaasi ku daray in dalalka dariska ah iyo kuwa Afrika uu soo maray gumeysi, balse kadib ay faa’iideysteen isla markaana ay dhisteen dowlado sal adag, nidaam iyo sharci.
“Markii xornimada la helay waa laga faa’iday dadka kale iyo dowladaha kale ee gumeysiga uu haystay oo Afrika ahaa xornimada waa ka faa’ideysteen oo waxay sameysteen nidaam iyo sharciyad iyo isku xirnaan iyo dowladnimo ay heshiis ku yihiin” ayuu sii raaciyay.