๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐๐š ๐†๐š๐š๐๐ข๐ข๐๐ค๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐ƒ๐ฎ๐ฎ๐ฅ๐ข๐ฌ๐ญ๐š ๐ก๐š๐ฐ๐š๐๐š ๐จ๐จ ๐ฆ๐š๐š๐ง๐ญ๐š ๐—๐š๐Ÿ๐ข๐ข๐ฌ๐ค๐š ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐š ๐ค๐ฎ ๐ช๐š๐š๐›๐ข๐ฌ๐ก๐š๐ฒ ๐’๐š๐Ÿ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐“๐š๐ฅ๐ฒ๐š๐š๐ง๐ข๐ .

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS. Marwo Fardowsa Osman Egal ayaa Xafiiska Wasaaradda ku qaabishay Safiirka Dowladda Talyaaniga Ee Soomaaliya โ€“ Ambassador, Pier Mario Daccoโ€™ Coppi.

Wasiirka iyo Safiirka ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka soo jireenka ee labada Dal iyadoo Wasiirka uga mahad celisay Safiirka iyo Dowladiisa sida Hagar laโ€™aanta ah ay u garab taagan yihiin Dowlada iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Wasiir Fardowsa oo ay kulanka ku wehliyeen Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS. iyo qaar kamid ah Agaasinka iyo lataliyaasha WGDH ayaa Safiirka uga warbixisay Guulaha la taaban Karo ee Soomaaliya ka gaartay horumarinta dhinacyada Gaadiidka Dhulka iyo Duulista Rayidka iyada oo Wasiirka iyo Safiirka ay hoosta ka xariiqeen muhiimadda ay leedahay iskaashiga Dhinacayada Duullimaadka Rayidka, Horumarinta Technology-adda Gaadiidka iyo is-weydaarsiga khibradaha ee labada Dowladood.

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS. ayaa muddoyinkii danbe waxay horumarin ballaaran iyo casriyeen ku sameynaysay adeegyada Technology-yadda Gaadiidka Dhulka, Garoomada iyo Duullimaadka Rayidka.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *